Socdaalka madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Maraykanka waxa uu dalka u soo hooysay guulo badan oo aanay dad badani filanayn; hase ahaatee shacbiga Somaliland ee xorinimada jeceli ku taamayeen inay maalin uun guushaa ay gaadhi doonaan.
Socdaalkani wuxuu dunida u muujiyey in Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal; midowgii is-raac dambe na uu yahay mid la mid ah baabaco timo ka soo baxeen.
Socdaalkan Madaxwayne Muuse Biixi qiimaha uu leeyahay waxa caddaynaya martiqaadka lagu marti qaaday, iyo khudbadda uu ka jeediyey Jaamacadda JOORJI WAASHITOON ee ku taala caasimadda dalka Maraykanka.
Jaamacaddan waxa lagu xusaa Madaxwaynihii ugu horeeyey dalka Maraykanka 1783kii khudbaddii ugu horeysay ee madaxwayne ka jeediyey Jaamacadda. Inta la og yahay waxa khudbado ka jeediyey Koofi Anaan oo ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Desmond Tutu oo ahaa halgamaa wayn oo u dhashay dalka Koonfur Afrika iyo Madaxwaynihii Gaana ee ugu horeeyey Kuwama Nakruma.
Khudbada Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ka jeediyey George Washington University waxay ahayd mid soo koobaysa arrimaha dunida haatan ka taagan, Jamhuuriyadda Somaliland xidhiidhka ay caalamka la leedahay, himiladeeda dhow iyo ta fog ba iyo horumarka dalka ka socda.
Waxa socdaalku dunida u ifinayaa in shacbiga Somaliland ay yihiin umad sharafteeda, karaamadeeda iyo xornimadeeda ilaashanaysa. Inay tahay dal isku tashanaya, isku tashaday, diyaarna u ah inuu dunida wax la qabsado. Hase ahaatee aanu marnaba gacanta hoorsanayn taasi oo ah mid uu ka caagan yahay dalku.
Socdaalku wuxuu dunida u ifinayaa Jamhuuriyadda Somaliland oo dhagaha laga furaysan jiray inuu yahay dal xor ah, la socda xaaladda dunida, Covid-19 ka bacdi, diyaarna u ah inuu waajaho waayaha cusub ee dunida ka dhici doona dagaalka Yukrayn ka bacdi.
Booqashada Madaxwaynuhu waxay muujisay in xornimo jacaylkii awoowayaasheen ee boqortooyadii Ingiriiska ku qasbay in badda gudeheeda ku kala saxeexdaan heshiis ilaalineed oo aan ahayn gumaysi in duruufo adag oo la soo maray aanay waxba ka beddelin dareenkooda xornimo jacayl.
Socdaalkani waxa uu caddaynayaa in Jamhuuriyadda Somaliland uu dib u dhis dal ka bilowday burbur la mid ah kii Jarmalka, ee dagaalkii labaad ee dunida aan ka duwayn. Hase ahaatee aanay helin kaalmo iyo gacan qabasho tii Jarmalka la siiyey, balse maanta ay tahay dalka ugu dimuqraadisan una degen gobolka Geeska Afrika.
Weftiga Madaxwayne Muuse Biixi hoggaaminayo hay’adaha lacagta adduunka ee IMF, Baanka adduunka iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka Maraykanka wada hadalo ay la yeesheen waxay u caddeeyeen in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal leh, khayraad dihin, dhaqaale na leh kaalmana aan u baahnayn balse doonayain cunoqabataynta saaran laga qaado.
Fikradani waxa la amakaagay hay’adaha ay la kulmeen oo aan marnaba ka filayn dal soo koraya oo aan la aqoonsanayn o mowqifka xornimo wax wada qabsasho u soo bandhigay.Waa loo bogay fikradan la isla meel dhigay in halkaasi laga sii anba qaado si loo dhaqan galiyo.
Kulankii Qaramada Midoobay oo isna guul laga soo gaadhay waxa ka soo baxay in Qaramada midoobay ay toos ula xidhiidhi doonto JSL isla mar ahaantaana ay wax kala qaban doonto mashaariicda horumarineed ee JSL.
Waxay ila tahay guulahan la gaadhay waa bilow. Waxaana ku waajib ah qof kasta oo u dhashay JSL- meel kasta oo uu joogo inuu Illaahay u mahadnaqo,dhaqankeena suubanna ku dhaqmo. Waxa kale oo loo baahan yahay;
* In aanu xoojino midnimada iyo wada jirka
* In dareenka xornimo iyo dal jacayl la sii kordhiyo.
* In difaaca dalka hooyo had iyo jeer heegan loo ahaado.
* In aqoonta iyo waxbarashada loo baahan yahay la horumariyo.
* In la dalka Hooyo lagu kalsoonaado, laguna taamo sidii wax loogu darsan lahaa waxna loogu qaban lahaa.
Waxaan leeyahay faa’iidada samirka, dedaalka, midnimada iyo isku kalsoonaanta waxa markhaati noogu filan gurmadka abaarta ee biyo iyo baadba qaybin oo aan ku koobnayn shacbigeena, balse loo fidinayo si isku mid ah Soomaalida abaartu hayso ee ka yimid Somaaliya iyo deegaanka Soomaaliyed ee Itoobiya.
(Hala ogaado in gobanimo ay tahay isku tashi, gunnimana tahay gacan hoorsi. Waxaana daliil u ah is barbar dhiga JSL iyo Soomaaliya)
WQ: Xuseen Cali Nuur.