Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Diiday Inuu Kamid Noqdo Ololaha Maraykanka Ee Ka Dhanka Ah Ruushka

focus

Imaaraadka Carabta Oo Diiday Inuu Kamid Noqdo Ololaha Maraykanka Ee Ka Dhanka Ah Ruushka

Imaaraadka Carabta Oo Diiday Inuu Kamid Noqdo Ololaha Maraykanka Ee Ka Dhanka Ah Ruushka

(SLT-Abu Dhabi)-Booqashadii toddobaadka lasoo dhaafay uu Dubai iyo Abu Dhabi ku tagay Madaxweynaha Siiriya Bashar Al assad ayaa ahayd farriin imaaraatiga u dirayey Maraykanka oo uu hore xidhiidh weyn uga dhaxeeyey.

Imaaraatiga ayaa sidoo kale ka aamusay inay codkooda ka dhiibtaan Qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaareenayey duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine.

Imaaraatiga ayaa u muuqda inuu hadda qadanayo go’aamo ay danahooda gaarka ah ku eeganayaan halkii hore u taageeri jireen go’aanada kasoo baxa Washington.

Yemen

Abu Dhabi ayaa si weyn u dhaliilsan Maraykanka in aanu si buuxda gacan uga siin dagaalka wadanka Yemen ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, isla markaana duqeyntii Xuutiyiinta la beegsadeen Imaaraatiga horaantii sannadkan in Maraykanka aanu ka bixin jawaabtii ay ka filayeen.

Imaaraatiga ayaa ku guuleysan waayey olole ay ugu jireen in ururka Xuutiyinta caalamka looga aqoonsado urur Argagaxiso, arrintaasi oo ay kasoo horjeedeen ururada caalamiga ah ee gargaarka oo sheegay inay khatar ku noqon doonto hawlaha gargaarka ee dalka Yemen.

Batroolka

Imaaraatiga iyo Sacuudiga ayaa hadda doonaya inay ka faa’iideystaan xiisada ka dhalatay dagaalka Ukraine oo keentay sare u kaca sicirka Batroolka.

Maraykanka ayaa ka codsaday Imaaraatiga iyo Sacuudiga inay sare u qaadaan batroolka ay soo saaraan si sicirka hoosloogu dhigo, balse Imaaraatiga iyo Sacuudiga ayaa sheegay in ayna waxna ka bedalayn cadadka saliida ay hada soo saaraan, taasi oo micnaheedu yahay inay dhaqaale badan ka helaan qiimaha shidaalka ee sare.

Warar soo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in Sacuudiga uu wadahadal kula jiray Shiinaha in lacagta shiinaha uu ku bedalo lacagta lagu iibiyo saliida Sacuudiga oo hore dollarka wax ku iibin jiray.

Safarkii Bashar Al Assad ku tagay dalka imaaraatiga oo ahaa kiisii ugu horreeyey ee uu dal Carbeed ku tago tan iyo kacdoonkii Suuriya, ayaa waxaa dhaliilay Maraykanka walow Maraykanka aanu hadda diyaar u ahayn cadaadis uu saaro dalalka Khaliijka xili Washington ku mashquulsan tahay ololaha ka dhanka ah Ruushka.

More in focus

To Top