Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Maxkamadaha Caalamka Ee Afrika, ICJ Iyo Carabta U Gudbinaysa Dooda Madaxbannaanida

focus

Somaliland Oo Maxkamadaha Caalamka Ee Afrika, ICJ Iyo Carabta U Gudbinaysa Dooda Madaxbannaanida

Somaliland Oo Maxkamadaha Caalamka Ee Afrika, ICJ Iyo Carabta U Gudbinaysa Dooda Madaxbannaanida

(SLT-Washington)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dacwada madaxbannaanida Somaliland u gudbinayso maxkamadaha caalamka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowlada Soomaaliya ka dacwaynayaan, maxkamadaha waa wayn ee caalamka, “Somaliland waxay leedahay kiis ka adag kii Kosovo ay ku baxday, waxaynu u baahanahay in aynu dowlada Soomaaliya gayno maxkamada kasta oo adduun ka ah”.

Wasiirka ayaa xusay in maxkamadaha Afrika, ICJ iyo Carabta ay gaynayaan dooda Somaliland, si ay uga garnaqaan dacwadan oo uu sheegay in ay tahay mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba adag.

Xukuumada Somaliland ayaa sida oo kale hora u sheegtay in ay dooda qadiyada madaxbannaanida Somaliland u gudbinayso baarlamaanada dowladaha caalamka. Wasaarada arrimaha dibadda ayaa bishii hore ee sannadkan iskugu yeedhay wakiilada Somaliland ee dibada, iyadoo sheegtay in dib loo qaabaynayo ollolaha ictiraaf raadinta.

Wasiirka ayaa ka hadlayay manaasibad casho ah oo waftiga Somaliland la yeesheen qurba joogta reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Maraykanka.

More in focus

To Top