Connect with us

somalilandtoday.com

Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Ka Soo Baxay Booqashadii Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka.

focus

Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Ka Soo Baxay Booqashadii Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka.

Qodobadii Ugu Muhiimsanaa Ee Ka Soo Baxay Booqashadii Weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka.

Maalintii ay bishu ku beegnayd 17kii Maarso, 2022kii, ayaa labada xildhibaan (Senators) ee kala ah Jim Risch ahna xubin sare oo ka tirsan guddida xidhiidhka arrimaha dibedda iyo Mike Rounds oo ah guddoomiyaha guddidaa, sidoo kalena ah xubin sare oo ka tisan guddi-hoosaadka Afrika iyo siyaasadda caafimaadka caalamka ayaa soo jeediyey xeerka “The Somaliland Partnership Act”. Xeerkani wuxuu farayaa wasaaradda arrimaha dibbeda inay u soo jeediso Kongraska Maraykanka warbixin la xidhiidha wax la qabsiga Soomaaliland iyo in la sameeyo xog ururin, iyada oo lagala tashanayo wasaaradda difaaca ee Maraykanka tixtraaca samaysanka iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Soomaaliland.

1- Xeerkani wuxuu si cad u sugayaa in ay laba wadan xidhiidh iskaashi yeelanayaan. Labadaa wadan oo kala waa Maraykanka iyo Soomaaliland
2- Sidoo kale ayaa xeerkani wuxuu wataa tixgelinta labada mudane ee hoggaanka u haya guddida arrimaha dibedda ee golayaasha. Waana sababta keentay in guddida arrimaha dibbeda laga waayo qof ka hor yimaada.

Labadan xildhibaan waxay caddeeyeen in siyaasadda Maraykanka lala jaangooyo xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo Soomaaliya. Sidaa darteed ayuu xildhibaan Risch yidhi: “Waa in Maraykanku raacdo u galaa dhammaan wixii suurtogalinaya in xidhiidh wax iskaashi lala sameeyo dalalka degan ee dimuqraadiga ah sida Somaliland, aan la isku koobin habraaca siyaasad xilligeedii la dhaafey oon la jaanqaadeyn xogta dhabta ah ee jirta”.

Sidoo kale, ayaa xildhibaan Van Hollen arrintaa ku sii adkeeyey isaga oo leh: “Kol haddii uu Geeska Afrika uu waajahayo deganaansho la’aan, iskaashiyaga oon la wadaagno kuwa qiimeeya maamul-dimuqraadi ah iyo salka xornimada ayaa ah furaha lagu horumarinayo danaha Maraykanka, lagu hagaajinayo deganaanshaha geeska, iyo kaalmeynta arrimaha bani’aadanimada. Gu’yaal dhawr tobaneeyo ah ayey Somaliland xaqiijisey iney tahay meel degan, leh dimuqraadiyada hanoqaadey, iyada oo ku dhex taala goobta ishirdiga iyo loolanka,. Xeerkayagani wuxuu kaalmeynayaa hubinta in Maraykanku raadceeyo helitaanka sida ugu suurtogashan ee lagu hirgelinayo xidhiidh wax wada qabsi (oo dhexmara Maraykanka iyo Soomaaliland)”.

Sida xeerku sugayo kaalmada waxaa ugu muhiimsan afartan qodob:
(A) Kaalmeynta Siyaasada Maraykanka ee ku waajahan Jidka badda cas, jidka Indo-Pacific, iyo geeska Afrika.
(B) Wanaajinta iskaashiga ka hor taga argagaxisada iyo wadaaga arrimaha sirdoonka.
(C) Hawlgelinta iskaashiga ku aadan arrimaha ay ka mid yihiin ilaalinta duur-joogta, iyo wixii sharci darada ah ee dalalka iskaga gudbaya..
(D) Kaalmeynta ganacsiga iyo horumarinta siday Somaliland uga faa’iidi laheyd horumarka Afrika iyo hawlaha Ganacsiga geeska.

Sugnaansho:
Jamhuuriyada Soomaaliland waxay ka heshay xornimadeedii bishii Juun 26dii ee gu’gii 1960 ka hor intaaney abuurmin Jamhuuriyadii Soomaaliya, Sidoo kale Jamhurriyada Soomaaliland waxay ku sugneyd iney iskeed u aheyd qaran madax banaan ilaa iyo 1991kii.

( Background: The Republic of Somaliland received independence from the United Kingdom on June 26, 1960, prior to the creation of the Somali Republic, and has been a self-declared independent and sovereign state since 1991.)

Raacitaanka la raaciyey sugnaanshahaa xeerku waxay cadeynaysaa in siyaasadda Maraykanku raacayso ama u hoggaansameyso habraac ka duwan habkii ay hore u raaci jirtey ee ahaa in ay Somaliland iyo Somaliya u taqaaney mid kaliya. Waxa aanay sugaysaa in Maraykanku si toos ah oo ula galeyso iskaashi dalka Soomaaliland ee ay wadaagaan qiimeynta horumarka dimuqraadiyada, sugida nabadgelyada, iyo ilaalinta arrimaha bani’aadanimada.

Isku so wada duuboo xeerkani waa guul hor leh oo u soo hoyatey dalka Jamhuuriyada Soomaaliland..
Source: Mareegta Farshaxan.

FG: Waa xeerka ama Bill-ka oo nuxurkii ku jiray aannu Afsoomaali u bedelnay, si ciddii aan fahmin ay uga faa’iidaysato.

Waxa Qoray Mustafe Aadam

More in focus

To Top