Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Ka Hadashay Hubkii Shiinuhu Siiyay Dawladda Soomaaliya.

News

Somaliland Oo Ka Hadashay Hubkii Shiinuhu Siiyay Dawladda Soomaaliya.

Somaliland Oo Ka Hadashay Hubkii Shiinuhu Siiyay Dawladda Soomaaliya.

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga hadashay saanad millatari oo uu Shiinaha ugu deeqay dowladda Soomaaliya, taas oo ay shalay la wareegtay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Mohamed Cali Bille ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay daandaansi lagu carqaladeynayo xidhiidhka Somaliland, Taiwan iyo Maraykanka.

Waxa uu sidoo kale su’aal galiyay xilliga lagu soo beegay bixinta deeqdan oo uu sheegay inay tahay waqti uu madaxweynaha Somaliland socdaal toddobaad qaatay uu ku joogo dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kala duwan ka wado.

Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile oo qoraal kooban soo saaray ayaa yidhi “Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.”

More in News

To Top