Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Suuriya Oo 11 Sanno Kadib Safarkii Ugu Horreeyay Ku Tegay Dal Carbeed

focus

Madaxweynaha Suuriya Oo 11 Sanno Kadib Safarkii Ugu Horreeyay Ku Tegay Dal Carbeed

Madaxweynaha Suuriya Oo 11 Sanno Kadib Safarkii Ugu Horreeyay Ku Tegay Dal Carbeed

(SLT- Abu Dhabi)-Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaadho tan iyo 2011 oo uu billaamay dagaalka sokeeye ee dalkiisa.

Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sannado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.

Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.

Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda millateri ay waxbadan u tartay mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.

Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhinac ay isla meel dhigeeen “ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan waddankaas.”

More in focus

To Top