Connect with us

somalilandtoday.com

Dabley Hubaysan Oo Xalay Wariyeyaal Ku Weerartay Magaalada Hargeysa

focus

Dabley Hubaysan Oo Xalay Wariyeyaal Ku Weerartay Magaalada Hargeysa

Dabley Hubaysan Oo Xalay Wariyeyaal Ku Weerartay Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Dabley Hubaysan ayaa xalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday Wariyeyaasha kala ah Cali Mahdi Xasan Jibriil iyo Cabdisalaan Germany oo ka hawl-gala magaalada Hargeysa.

Wariye Cali Mahdi ayaa qoraal uu baahiyay ku yidhi sidan “Niman Hubaysan ayaa caawa na soo weeraray aniga iyo saxafiyiin kale, waxa ay nagu rideen rasaas, Anigu ma qabo wax weyn, lkn waxaa dhaawacyo culus qaba saxafi CaBdi GerMany sidoo kale waxaa gebi ahaanba la burbiryay gaadhigaygii, xaaladayadu ma wanaagsana waxaanuna joognaa xarun ciidan waan ka war bixin doonaa siday wax u dheceen.”

Illaa hadda lama oga cidda ay tahay kooxdani, wixii ka soo kordh waxa aanu idinku soo gudbin doonaa wararkeena dambe.

Somalilandtoday/Burco/Office

More in focus

To Top