Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaad Ka Ogtahay Hay’adda Madaxweyne Biixi Maraykanka Ku Martiqaadday?

focus

Maxaad Ka Ogtahay Hay’adda Madaxweyne Biixi Maraykanka Ku Martiqaadday?

Maxaad Ka Ogtahay Hay’adda Madaxweyne Biixi Maraykanka Ku Martiqaadday?

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad ka helay hay’adda The heritage Foundation ayaa booqasho ku jooga dalka Maraykanka.

Hay’adda The Heritage Foundation ayaa ah hay’ad kor u qaadda siyaasadaha guud ee ku salaysan mabaadi’da ganacsiga xorta ah, dawlad xaddidan, xorriyadda shakhsi ahaaneed, qiyamka Maraykanka ee soo jireenka ah, iyo difaac qaran xooggan.

Hay’addan ayaa sidoo kale qaabilsan cilmi baadhista, midaynta dhaqdhaqaaqa muxaafidka si ay u wada shaqeeyaan iyo tababarka Hogaamiyayaasha —si loo diyaariyo jiilalka mustaqbalka ee hoggaamin doona Ameerika.

Ha’yadda ayaa sidoo kale Somaliland ku ammaantay in soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dhisatay dimuquraadiyad weli sii xoogaysanaysa iyada oo sidoo kale qayb weynna ka qaadatay xasilloonida gobolka.

Heritage Foundation ayaa waxyaabaha kale ee Somaliland ay ku ammaantay ku soo dartay in sannadkii 2020-kii, ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay Taiwan.

Hay’addan ayaa boggeeda ku daabacday in aanu jirin dal ka mid ah caalamka oo wali u aqoonsaday in Somaliland ay madax-bannaan tahay, inkasta oo si madax bannaan ay ku dhaqmi jirtay soddonkii sanno ee la soo dhaafay.

More in focus

To Top