Connect with us

somalilandtoday.com

Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Ujeedka Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tegayo Dalka Maraykanka

focus

Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Ujeedka Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tegayo Dalka Maraykanka

Xoggo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Ujeedka Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tegayo Dalka Maraykanka

Xog culus oo Dublamasiyadeed ayaa sheegaya in U jeedka socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo barri u safraaya dalka Maraykanka isagoo hoogaminaya wafti ka kooban dhawr iyo toban xubnood.

Ilo Dublamasiyadeed oo xog ogaal ah ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha ay ka danbayso dalab xukuumada Somaliland uga yimid dawlada Maraykanka oo Somaliland ka doonaysa inay ku yeeshan Saldhig Milateri magaalo xeebedka Berbera.

Maraykanka ayaa hada ku leh saldhiga Milateri oo lagu magacaabo Camp Lemonnier dalka Jabuuti, isagoo raba inuu saldhig labaad ku yeesho gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la sheegay in ay qaabilayaan Madaxda sare Wasaarada Gaashandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka.

Waxaana la sheegay in la filaayo inay ka mid yahiin Masuuliyiintaas Wasiirka Difaaca ee dawlada Maraykanka Lloyd James Austin, iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha Maraykanka ee dhanka Amaanka iyo Dublamasiyada kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan dalabka dawlada Maraykanka ee Saldhiga Milateri.

Somaliland ayaa hore saldhig Milateri Berbera uga siisay Dawlada Imaaradka Carabta taas oo kor u qaaday doonista quwadaha dunidu ku doonayaan inay Saldhigyo Milateri Somaliland ku yeeshen.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top