Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Saacado U Qabtay Shacabka Inay Iskaga Baxaan Kiyeef, Ukraine

focus

Ruushka Oo Saacado U Qabtay Shacabka Inay Iskaga Baxaan Kiyeef, Ukraine

Ruushka Oo Saacado U Qabtay Shacabka Inay Iskaga Baxaan Kiyeef, Ukraine

Ciidammada Ruushka ayaa saaka oo Isniin ah sheegay inay xabada joojinayaan si ay fursad usiiyaan inay shacabka reer Ukraine iskaga baxaan magaalooyinka; Kiyeef (Kyiv), Kharkiv, Mariupol iyo Sumy.

Magaalada Mariupol ee ku taalla xeebta koonfureed ayey shalay markii labaad guuldareysteen dadaalkii shacabka magaaladaasi lagaga saari lahaa kadib markii ay jabtay xabad joojintii ay ku dhawaaqeen Ruushka iyo Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan hawlgalka ay gudaha ugu galayaan caasimada Ukraine ee Kiyeef arrintaan oo sare u qaaday tirada dadka maanta iskaga qaxaya magaaladaasi, waxaana sidoo kale la filayaa in Ruushka uu dardar gelin doono duqeynta magaalooyinka waaweyn.

More in focus

To Top