Connect with us

somalilandtoday.com

Askari Loo Xidhay Kufsi Uu U Gaystay Gabadh Yar Oo Ay Xaaskiisu Dhashay

focus

Askari Loo Xidhay Kufsi Uu U Gaystay Gabadh Yar Oo Ay Xaaskiisu Dhashay

Askari Loo Xidhay Kufsi Uu U Gaystay Gabadh Yar Oo Ay Xaaskiisu Dhashay

(SLT-Jigjiga)-Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee  Liyuu Boolis ayaa la xidhay kaddib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u geystay gabadh yar oo ay dhashay xaaskiisu.

Kufsigaan ayaa ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana la sheegay inuu Askari dhowr jeer kufsaday Gabadhan yar.

Gabadha kufsiga loo geystay ayaa ka cabsatay inay arrintaan la wadaagto hooyadeed, waxayna sheegtay inay ka cabsaneysay inuu dilo maadaama ninka kufsiga u geystay uu yahay Askari .

Kiiskaan ayaa waxaa Booliska soo gaadhsiisay Gabadh usoo martisay guriga oo aragtay Askariga oo kufsanaya gabadha sida uu sheegay baaraha booliska u qaabilsan gobolka Afdheer Gaashaanle Qorane Cabdulaah.

Madaxa Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sheekh Cumar oo arrinta gabadhan yari aad u xumaatay ayaa sheegtay inay u taagan tahay sidii ay gabadhan yari caddaalad u heli lahayd, eedaysanahana ciqaabtii ku haboonayd loo marsiin lahaa.

Askariga ku eedaysan kiiska gabadhan yar oo kufsi ah ayaa hadda ku jira xabsiga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

More in focus

To Top