Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Duqeyn La Beegsaday Warshadda Quwada Korontada Nukliyeerka Ugu Weyn Ee Yurub

focus

Ruushka Oo Duqeyn La Beegsaday Warshadda Quwada Korontada Nukliyeerka Ugu Weyn Ee Yurub

Ruushka Oo Duqeyn La Beegsaday Warshadda Quwada Korontada Nukliyeerka Ugu Weyn Ee Yurub

(SLT- Enerhodor)-Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia, ayaa gubatay subaxnimadii hore ee Jimcihii kadib markii ciidammada Ruushka ay ku qaadeen weerar, sida uu sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddan oo sameysa 25% awoodda korontada Ukraine ayaa ku taalla daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

“Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa” ayuu yidhi Maayirka magaalada Dnieper Dmytro Orlov.

Ciidammada Ruushka ayaa beegsaday xaruntaasi, iyagoo gantaal ku dhuftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda, inkasta oo warar dambe ay sheegayaan in dabku uu ka billaamay meel ka baxsan xayndaabka dhismaha, isla markaana ay u muuqatay in ammaanka warshadda lasoo celinayo, sida uu uu maamulaha warshadan u sheegay Telefishinka Ukraine 24, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab-dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya. Tuz ayaa sidoo kale AP u sheegay inay aheyd in si degdeg ah dabka loo damiyo, laakiin waaxda dab damisku ay u dhawaan weyday warshadda. Dagaalku wuu sii socday, waxaana la toogtay dab-damiska, ayuu yidhi.

More in focus

To Top