Connect with us

somalilandtoday.com

Xog: Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay  Guddida  Doorashooyinka Somaliland

focus

Xog: Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay  Guddida  Doorashooyinka Somaliland

Xog: Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay  Guddida  Doorashooyinka Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Warar xog ogaal ah oo warbaahintu si hoose u heshay ayaa   sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  la kulmay  guddida  doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha iyo guddida ayaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimaha Doorashooyinka.

Sidoo kale Guddida Doorashooyinka ayaa sheegay in loo sii daayey lacagtii ay ku qaban lahayeen diwaangalinta cod bixiyayaasha sida xoguhu sheegayaan .

Waxaa la filayaa in kominshanka doorashooyinku ay diwaangalinta bilaaban bisha 5aad (May) ee sannadkan.

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa la filayaa in maalinta Axadda ah ay isugu yeedhaan Saddexda Xisbi si ay isla meel dhigaan wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.


Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhinacyada Siyaasadda ee Somaliland ku cadaadinaysay in ay hawlaha doorashooyinka ee taagan dhaqaajiyaan oo aanu muranka taagani saameyn hawsha diiwaan gelinta ee hore loo bilaabo, maadaama oo wakhtigi cidhiidhi yahay.

More in focus

To Top