Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Magaalada Minneapolis

focus

Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Magaalada Minneapolis

Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Magaalada Minneapolis

(SLT-Minneapolis)-Waxaa Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ka dhacay fal isugu jiray dil iyo dhaawac loo geystay saacadihii lasoo dhaafay laba wiil oo Soomaali ahaa, kana mid ahaa Soomaalida ku nool Minneapolis.

Warar la helayo ayaa sheegaya in wiilasha oo dhallinyaro ahaa midna la dilay, halka mid kalena loo gestay dhaawac fudud, isla markaana waxaa loola cararay midka dhaawacmay cisbitaal.

Ciidanka Booliska ayaa maanta warbaahinta la wadaagay dhimashadda iyo dhaawaca ay toogashadu sababtay ee loo geystay ragga Soomaalida ahaa .

Booliska Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa ka gaabsaday in ay sheegaan magacyadda iyo jinsiyadda wiilasha, balse dad xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dhallinyarada waxyeelada gaadhay ay Soomaali yihiin.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top