Connect with us

somalilandtoday.com

Maayarka Burco Oo Shalay Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Dubai.

focus

Maayarka Burco Oo Shalay Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Dubai.

Maayarka Burco Oo Shalay Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Dubai.

(SLT-Burco)-Maayarka Burco Cabdirisaaq Hero oo Garoonka diyaaradaha ee Dubia shalay lagu xidhay ayaa la sii dayay kaddib 8 sacadood oo uu maxbuus ahaa sida ay ii sheegeen illo xog-ogaal ahi.

Masuulkan oo ku safrayay Passport Diplomaasi Somaliland ah ayaa sida la sheegay qaatay dal ku gal (Visa) qaldan.

Jaaliyadda Somaliland & xubno ka tirsan shaqsiyaadka dalkaasi ka ganacsada ayaa usoo gurmaday Maayar Hero kaddibna soo fardaamiyay.

Maayarka Boorama & xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanka ee Burco & Boorama ayaa socdaalka ku weheliya maayarka la xidhay waxaanay halkaas u tageen shirar muhim ah.

Mohamed Yusuf Bakayle

More in focus

To Top