Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Saaka Kormeeray Xarun Laga Hirgeliyay Hargeysa

focus

Madaxweyne Biixi Oo Saaka Kormeeray Xarun Laga Hirgeliyay Hargeysa

Madaxweyne Biixi Oo Saaka Kormeeray Xarun Laga Hirgeliyay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka subaxnimadii hore kormeeray dhismaha xarunta lagu keydin-doono keydka taariikhda qaranka iyo casriyeynta taaladda diyaarada Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay goobtaasi warbiximo kaga dhegeystay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo isagu gacanta ku haya dhismaayaasha Xarumahaasi.

Dhismeyaashan  oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wakhtigan ku dhaw gabaabsi, waxaanu madaxweynuhu masuuliyiinta iyo shirkadaha gacanta ku haya faray inay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan wixii ka dhiman iyagoo dhawraya wakhtiga.

More in focus

To Top