Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Xayiraad Kusoo Rogay Shakhsiyaad Lagu Eedeeyay Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya

focus

Maraykanka Oo Xayiraad Kusoo Rogay Shakhsiyaad Lagu Eedeeyay Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya

Maraykanka Oo Xayiraad Kusoo Rogay Shakhsiyaad Lagu Eedeeyay Dib U Dhaca Doorashada Soomaaliya

(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa ka mamnuucay in mas’uuliyiin Soomaali ah iyo shaqsiyaad kale ay u safraan Mareykanka, isagoo ku eedeeyay in ay wiiqayaan hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib u dhigtey doorashadii baarlamaanka ee 15ka March.

“Hadda waxaan ku soo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhan ah tiro ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah,” Blinken ayaa ku yidhi bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Hase yeeshee lama sheegin siyaasiyiinta ay dowlada Mareykanka ku soo rogtay xayiraada xagga dalku galka ah.

More in focus

To Top