Connect with us

somalilandtoday.com

Qiimaha Batroolka Ee Caalamka Oo Sare U Kacay Kadib Duullaankii Ruushka Ee Ukraine

focus

Qiimaha Batroolka Ee Caalamka Oo Sare U Kacay Kadib Duullaankii Ruushka Ee Ukraine

Qiimaha Batroolka Ee Caalamka Oo Sare U Kacay Kadib Duullaankii Ruushka Ee Ukraine

(SLT-London)-Suuqyada caalamka ayaa laga dareemayaa sare u kaca qiimaha batroolka oo gaadhay $105 foostadii oo ah qiimihii ugu sarreeyey tan iyo sannadkii 2014, arrintan ayaa loo aaneenayaa weerarka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho ganacsiga caalamka.

Qiimaha ayaa sare usii kacaya xilli dalka Ruushka oo kamid ah waddamada soo saara Saliida la filayo inuu hoos u dhigo batroolka uu caalamka u iib geeyo taasi oo saameyn doonta suuq batroolka, walow Maraykanka sheegay inuu sare u qaadi doono batroolka uu iibiyo si loo kabo isbedalka ku yimid sicirka saliida.

Midowga Yurub, UK iyo Maraykanka oo iyagu cunaqabateyn kusoo rogay dowlada Ruushka ayaa la filayaa sidoo kale inay saameyn ku yeelato shirkadaha laga leeyahay Ruushka oo uu hada kasoo xidhmayo suuqyada ugu waaweyn ee Caalamka.

Dalal badan oo kamid ah Yurub ayaa ku tiirsanaa shidaalka iyo Gaaska ay ka gataan Ruushka, iyadoo cunaqabateynta lasoo rogay ay keeni doonto in wadamadaasi ay raadsadaan suuqyo kale oo ay ka gataan shidaalka iyo Gaaska.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top