Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Afka Ka Xidhay Ka Warbixinta Ujeedada Safarkii Uu Ku Tagay Dalka Jabuuti

focus

Madaxweyne Biixi Oo Afka Ka Xidhay Ka Warbixinta Ujeedada Safarkii Uu Ku Tagay Dalka Jabuuti

Madaxweyne Biixi Oo Afka Ka Xidhay Ka Warbixinta Ujeedada Safarkii Uu Ku Tagay Dalka Jabuuti

(SLT-Burco)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa waddanka Jabbuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda katirsan, waxana uu qaddar nasasho ah ku qaatay qolka VIP-da ee madaarka.

Dhan kale madaxweyne Biixi iyo waftiga uu hoggaaminayay oo la filayay inay ummada la hadlaan ayaan wax faah-faahin ka bixin ujeedada safarkii ay ku tageen dalka Jabuuti iyo arrimihii ay ka wada-hadleen madaxdii uu la kulmay, Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top