Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Ergey Cusub U Soo Magacaabay Gobolka Geeska Afrika

focus

Shiinaha Oo Ergey Cusub U Soo Magacaabay Gobolka Geeska Afrika

Shiinaha Oo Ergey Cusub U Soo Magacaabay Gobolka Geeska Afrika

(SLT-Beijing)-Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing u soo magacawday inuu noqday ergay uga wakiil noqon doona gobolka Geeska Afrika.

Waddamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya, Eriteriya, Soomaaliya iyo Somaliland oo degan ayaa ka mid ah waddamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

Xue ayaa hore uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana uu khibrad u leeyahay ka shaqeynta Afrika, Ameerika iyo Oceania, sida ay shaacisy Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

“Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha nabadeed ee Shiinaha ee gobolka kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo wadamada gobolka si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii January mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

Danaha Shiinuhu ka leeyahay Geeska waxaa ka mid ah Saldhigga uu ku leeyahay Badda ee Jabuuti oo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga ah.

Beijing ayaa dayn badan siisay Itoobiya oo aan bad lahayn, taasoo ku tiirsan dekeddaha Jabuuti iyo Somaliland oo ay ka hesho ganacsi.

Isha ku hay mar kasta Somalilandtoday

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top