Asalaamu Calaykum
Siday doonto haku timaado, ujeedada la doono halaga yeesho ama sax iyo khalad kay doonto ha noqotee muwaadiniin aad u badan oo reer Somaliland ahi waxay ku taamayeen inay ururro siyaasadeed furtaan, oo ay burhaantooda tuurtaan, kana baxaan saddexda Xisbi Qaran ee imika jira oo ay u arkayeen inay muddo dheer ummada soo hor taagnaayeen, hoggaankooduna ay uga takrri faleen sidii ay Xisbiyadu yihiin dukaan ay iyagu leeyihiin oo qofkii ay doonaana ka caydhiyaan, kii ay doonaana ay madax uga dhigaan.
Hoos u dhaca xiisihii urur furashada :
Waxaan shaki ku jirin in xiisihii loo qabay Urur furashadu uu hoos u dhacay tan iyo markii ay Maxkmada Sare ee Somaliland soo saartay go’aankii ay ku sheegtay in tartanka ururrada lagu galo si toos ah oo aan ku lamaanayn tartankii golayaasha deegaanka.
Go’aankaas Maxkamadu waxa uu dhabar-jab weyn ku noqday dariiqii Ururrada lagu samaysan jiray oo ahaa dariiq wadajir iyo iskaashi ah oo Ururrada iyo Xisbiyadu ay ku soo bixi jireen, taasoo ahayd masuuliyad wadareed ay wada xambaari jireen kumanaan qof oo dantu ay isku dabartay oo qof kastaa hawsha uu dhankiisa ka geli jiray isaga oo wata dhaqaalihiisa, qabiilkiisa iyo taageerayaashiisa.
Tusaale ahaan berigii hore cidii Urur ku dhawaaqda waxaa garab u noqon jiray muwaadiniinta doonaysa inay golaha deegaanka ka mid noqdaan, qof kastaana waxa uu ku halgami jiray oo uu huri jiray dhaqaalihiisa, iyaga oo qabiilkooduna garab iyo gaashaanba la garab taagnaan jiray oo ay olole yaab leh geli jireen, tuulo kasta iyo xaafad kastana ay ka ololayn jireen si xubintooda golaha deegaanka iyo ururkoodu ay usoo baxdo, taasina waxay tiir-dhexaad u ahayd in ururradu ay ku soo baxaan taageerada iyo codka iyo cududa xubnahaas golayaasha deegaanka u tartamaya, waxaanay Madaxda Ururradu iska ahaayeen qaab fadhi ku dhereg ah oo inta badan hawsha iyo dhaqaalahaba ay dabooli jireen xubnaha rajaynaya inay u tartamaan golayaasha deegaanka.
Dabcan taasi imika meesha way ka baxday oo ma jiraan golayaal deegaan oo tartamaya oo gacan siinaya madaxda doonaysa inay ururro furato, cod iyo cudud iyo dhaqaaleba waxaa imika isu qabaya qofkii doonaya inuu Urur furto, oo ku qasbanaan doona inuu dhaqaalaha iyo hawsha oo dhan dhabarka u rito oo jeebkiisa uu isticmaalo, marka laga reebo wixii taageero ah ee uu ka heli karo asxaabtiisa iyo qabiilkiisa,
Maxaa ka mid ah hawlaha sugaya qofkii doonaya inuu Urur furto :
In kasta oo hawlo badani ay sugayaan qofkii raba inuu urur furto, hadana hadii aynu ka xusno qodob kaliya, kaasoo ah in ururka laga rabo in degmooyinka iyo gobolada dalka uu xafiisyo ka furto, maamulna ka dhisaan, kana diyaariyaan gobol kasta dadkii madax ka kowga loo tirinayay oo ugu yaraan lixda gobol ee dalka in gobol kasta ugu yaraan KUN qof oo kaadhadhkoodii haystaa ay xero guusha diyaar ugu noqdaan subaxda la is tirinayo, oo kharash ahaan iyo abaabul ahaanba uu isu qabo ururku. Hawlaha gaadiidka demdemta iyo durbaanada iyo loolanka ururrada kale ee tartamaya u babac dhigooda ayaan iyaduna wax fudud ahayn.
Arrimaha kale ee loo aanaynayo in xiisihii urur-furashadu ay hoos u dheceen waxaa ka mid ah, in ay imika meesha ka baxeen Odayaal, Ganacsato iyo Siyaasiyiin waaweyn oo ardaaga murashaxa Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeeday oo Maxadweynaha culays weyn ku saarayay inuu ururrada furo, oo Madaxweynuhu uu ka hadhsan waayay sidii ay u dul taagnaayeen ee ay ugu duduucayeen inuu urrrada u furo, balse markii Ururrada la furay la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, kuwaas oo noqday meeshaa maroo muuqaa la waa…. cid walibana ay la yaaban tahay xaga ay ku danbeeyeen kuwii laga nasan waayay ee habeen iyo maalinba ururrda hala furo, Dr Gaboose oo isaguna dabaal-joogtayn ku jira ayaa ilaa imika wax miisaan leh oo beeshaas aynu xusnay ah oo urur hadal haya la arkay, marka laga tago dhawr qof oo uu ka mid yahay Siyaasi Dahab/Daamur oo iyagu urur ku dhawaaqay. Siyaasi Maxamuud Xaashi oo aad bulshadu u hadal hayn jirtay inuu urur furto ayaa isaguna imika u muuqda inuu jiibta iyo jaanta la helay Xisbigiisii hore ee Kulmiye.
Siyaasiyiinta waaweyn ee miisaanka leh ee Ururro la tilmaami karo ku dhawaaqay waxaa ka mid ah Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye iyo Mujaahid Cabdiklaahi Xuseen Iimaan Darawal oo haddii ay dhexda u xidhaan, taageero dhaqaale iyo xulufo siyaasadeed oo weyna helaan soo bixi kara, inkastoo ay soo waajahayaan caqabadaha aynu kor ku xusnay ee uu sababay go’aankii Maxkamada sare ee kala saaray doorashada golayaasha deegaanka iyo ururrada.
Hadaba marka aynu eegno sida imika xaal yahay, isla markaasna eegno mudada ay qaadan karto samaynta xeerarka ururrada ee ay waajibka tahay inuu Baarlamaanku sameeyo intaan la galin doorashada ururrada, sidoo kalana aynu eegno cago-jiidka Baarlamanka ee imika fasaxa labada bilood ah galay ee aan xataa wali ansixin xubnihii Madaxaweynuhu u magacaabay kala saarista ururrada. Marka aynu si mug leh u dhugano muranka siyaasiga ah ee u dhexeeya Mucaaridka iyo Xukuumada iyo culayska ka imanaya beesha Caalamka ee doonaya in doorashooyinku ay wakhtigooda ku dhacaan. Arrimahaas oo dhan marka la eego waxaa la garan karaa in xaqiiqdu ay ku soo ururayso in la yeelo wixii suurto geli kara ee Qaran ahaan la qaban karo saddexda doorasho ee is dul saaran, iyada oo duruufta iyo waaqaca dhabta ah lagu salaynayo lana eegayo doorashada imika qabsoomi karta ee ay xeerarkeeda iyo ydhaqaalaheedu diyaarka yihiin, ee Gudiga doorashaduna sheegeen inay diyaarka u yihiin qabashadeeda ?
Haddii aynaan is yeelyeelayn oo aynaan runta is diidsiinayn waxaa imika diyaar inoo ah oo Qaran ahaan aynu xiligeeda ku qaban karnaa waa Doorashada Madaxtooyada oo iyadu isku qoofalan dhaqaale ahaan, xeerar ahaan iyo diyaar-garow ahaanba, Dastuurina ah, taasi oo ah ta ay saaxiibada Somaliland inagula taliyeen in imika la qabto, inagoo garab wadayna hawsha ururrada lagana shaqaynayo xeerarkii lagu hagi lahaa tartanka ururrada oo aan diyaar ahayn, muddo dheerna ay qaadanaysio samayntiisu.
Ugu danbayn inkastoo ay muwaadiniin badani jeclaan lahaayeen in la helo jiil cusub oo xisbiyo ah oo bedela kuwan ummada hor taagnaa mudada badan, nasiib darro taasi waxa imika caqabad ku ah Xeerarkii Ururrda ee aan wali diyaarka ahayn, iyo xataa dhaqaalihii Ururrada oo aan xataa miisaaniyada ku jirin, waxaana bilowgiiba muuqatay in si laab la kac iyo degdeg uu ka muuqday loogu dhawaaqay in ururradu furan yihiin iyada oo aan waxba diyaar ahayn.
Somaliland ha Guulaysato
Waxa Qoray: Wasiir Ku-Xigeenkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Xukuumaddii Siilaanyo Oo Muuse Biixi