Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Dil Maanta Loo Geystay Sheekhii Caanka Ahaa Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

focus

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay dil maanta loo geystay sheekhii caanka ahaa Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed.

Guddoomiye Xirsi ayaa dilka sheekh ka tacsiyaayay ummada islaamka gaar ahaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdinaasir X. Axmed.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku yidhi sida tan:

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan umadda muslimiinta ah ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Sh. Cabdinaasir X. Axmed oo ahaa shiikhul baladka magaalada Laascaanood.

Shiikha oo kaalin laxaad leh ku lahaa dacwadda iyo nabadda gobolka Sool iyo   guud ahaan geyiga soomaalidu degto, waxaan Alle uga baryayaa naxariis iyo denbi dhaaf.

Waxaan si gaar ugu tacsiyayanaa qoyska iyo qaraabada shiikha.”

More in focus

To Top