Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Shacab Ah Oo Ka Gadooday Taawar Ay Shirkadda SOMCABLE Ka Dhisayso Gudaha Magaalada Hargeysa

News

Dad Shacab Ah Oo Ka Gadooday Taawar Ay Shirkadda SOMCABLE Ka Dhisayso Gudaha Magaalada Hargeysa

Dad Shacab Ah Oo Ka Gadooday Taawar Ay Shirkadda SOMCABLE Ka Dhisayso Gudaha Magaalada Hargeysa

Dad shacab Ah oo ka gadoodsan taawar ay shirka SOM-CABLE ka dhisayso xaafada Badhka ee degmada Axmed Dhagax ayaa xidhay wadada isku xidha xaafadaha SIINAY iyo BADHKA .

Ciidamo boolis ah ayaa dadka ka mudaharaadayey taawarka shirkada Som-cable dhisayso ku kala kaxeeyey rasaas nool-nool, mana jiro inta la ogyahay wax khasaare nafeed Ah oo ka dhashay rasaasta ay ciidanku Adeegsadeen.

Muran xoogan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay u dhaxeeyey shirkada taawarka dhisaysa iyo dadka ku nool xaafadaasi oo ku doodayay in aan taawarka la taagin, sababo Ay Ku sheegeen Caafimaad daro uu taawarku keeno awgeed , balse murankaasi oo aan wax xal ah laga gaadhin ayaa maanta sababay mudaharaad ay dadku ku diidayaan dhismaha taawarkan.

More in News

To Top