Connect with us

somalilandtoday.com

Bangiga Adduunka Oo Deeqdii Ugu Badnayd Ugu Deeqay Dowlad Degaanka Soomaalida

News

Bangiga Adduunka Oo Deeqdii Ugu Badnayd Ugu Deeqay Dowlad Degaanka Soomaalida

Bangiga Adduunka Oo Deeqdii Ugu Badnayd Ugu Deeqay Dowlad Degaanka Soomaalida

(SLT-Jigjiga)-Bangiga Adduunka ayaa dowlad degaanka Soomaalida ugu deeqay lacag dhan 64 million oo dollar, oo loogu talla galay abaarta ka jirta inta badan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Deeqdan ayaa waxaa dowlad degaanka Soomaalida soo gaadhsiiyay Mas’uuliyiin ka socotay Bangiga Adduunka oo maalinimadii shalay ahayd booqasho ku yimid degaanka Soomaalida.

Deeqdan oo 38 million USD ay diyaar tahay ayaa sida qorshaysan wax loogu qaban doonaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan dowlad degaanka Soomaalida.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii u badnayd ee degaanka Soomaalida loogu deeqo tan iyo intii ay abaarta ba’ani ku dhufatay inta badan dowlad degaanka Soomaalida, waxaana la filayaa in deeqdani ay wax badan ka qaban doonto xaaladda abaarta ee degaanka ka jirta.

More in News

To Top