Connect with us

somalilandtoday.com

Laba Gacan-ku-dhiigle Oo Ay Ahayd In Saaka Dil Lagu Fuliyo Oo Ka Badbaaday Dilkaasi Iyo Sababta

focus

Laba Gacan-ku-dhiigle Oo Ay Ahayd In Saaka Dil Lagu Fuliyo Oo Ka Badbaaday Dilkaasi Iyo Sababta

Laba Gacan-ku-dhiigle Oo Ay Ahayd In Saaka Dil Lagu Fuliyo Oo Ka Badbaaday Dilkaasi Iyo Sababta

(SLT-Mandheera)-Magaalada Mandheera ee Gobolka Saaxil saaka ayey ballantu ahayd in dil toogasho ah lagu fuliyo  lix maxbuus  oo hore dilal u gaystay

Labo kamid ah Lixda qof ee loo qorsheyey in saaka lagu fuliyo qisaasta kadib xabaalahooda oo qodnaa ayaa ka badbaaday in la qisaaso, kadib markii saaka la soo taagay tiirka isla markaana eheladii dadki ay dileen cafiyeen oo goobta joogay.

Labada nin ee saaka badbaaday ayaa ka soo kala jeeda dalka Soomaaliya iyo Gobolka Sool gaar ahaan Laascaanood.

Labada nin ee badbaday ayaa kamid ka mid ahaa  budhcad badeed lagu qabtay xeebaha Somaliland isla markaana kamid ahaa maxaabis isku dayday in ay jeelka weyn ee hargaysa ka baxsadan isla markana dilay askari kamid ah ciidankii jeelka, halka ninka kale ee saaka isna ka badbaaday qisaasta uu ka soo jeedo Gobolka sool horena u dilay nin ay isku reer yihiin.

More in focus

To Top