Connect with us

somalilandtoday.com

Damacaaga Siyaasadeed Waa In Uu Darbi Adag Dhabarka Ku Hayaa .

focus

Damacaaga Siyaasadeed Waa In Uu Darbi Adag Dhabarka Ku Hayaa .

Damacaaga Siyaasadeed Waa In Uu Darbi Adag Dhabarka Ku Hayaa .

Hadal haynta ah in Dr Mohamed Abdi Gaboose rabo in uu urur siyaasadeed cusub sameystaa aniga waxa ay iila muuqataa in aanay run aheyn ama xiligani munaasib u aheyn isaga sababo badan awgood;

1- Dr Mohamed Abdi Gaboose hore waxa uu abaabuley oo uu hogaaminayey ururadii siyaasadeed ee ay ka mid ahaayeen;

1-SAHAN 2002 oo aan fursad u helin in uu ka mid noqdo sadexdii xisbi qaran ee dalka u soo baxay,  sidoo kale markii uu ururku hadhay isaga oo 4aad galay hadana kama uu soo dhex muuqan saaxadii siyaasadeed ee dalka oo Dr ku inta uu Udub ku daray ayuu iska shaqo tagey wax uu ka dheefayna lama arag halka ururadii la mid ka ahaa ee ASAD iyo HORMOOD ay ka dhex muuqdeen mucaaridkii iyo myxaafidkii waagaasi.

2- QARAN 2006 waxa uu ururkaasi ahaa uu Dr Mohamed Abdi Gaboose hogaaminayey cidii halganka u gashay in tartanka ururada siyaasada ee dalku uu 10 kii sanadoodba mar la furo inta wax laga badelay Xeer lr-14 /2001 , waxa loo xidhay aragtidaasi 2007 oo uu mudo 5 bilood ugu xidhnaa mandheera , markii la soo daayeyna waxa ay heshiis la galeen kulmiye oo markii uu guuleystay sadexdii mudane ee la xidhayba siiyey xilal qaran oo waaweyn isla markaana u fuliyey shuruudihii ay ku xidheen ee furista ururada siyaasadu ka mid ahayd.

3- UMADA 2012 waxa uu markii sadexaad gole keenay urur siyaasadeed xiligaasi oo waliba beesha uu ka soo jeedaa ay ururo uu ka mid yahay Waddani iyo Udub gacanta ugu jireen , waxaana inta ogaalkay ah inkasta oo aan shirarka dhaqanka lagu jaangoyn karin damaca siyaasiyiinta la Isla qaatey ninkii soo baxa in lagu wada biiro si cudada taageero ee deegaankaasi loo mideeyo , waxaana barigaasi soo baxay Waddani oo xisbi noqday halka Udub na burburay Umaduna uu hadhay oo uu kaalinta 5naad galay , markana sidii SAHAN oo kale Dr ku ururkiisii inta uu ku daray Waddani ayuu iska shaqo tagey wax saameyn siyaasadeed ah na ma yeelan halka ururadii kale saaxada siyaasada si mug leh uga dhex muuqdeen.

Hogaamiyaha siyaasadeed ee ruug cadaaga ahi waa in uu garan karaa xiligiisa haddaba maanta hadii tartanka ururada siyaasada uu ka mid noqdo urur uu hogaaminayo Dr Mohamed Abdi Gaboose oo isagu murashax ka yahay waxa aan aaminsanahay in uu halkii kuwii hore mareen oo kale marayo sababtuna waxa weeye ;

1- Deegaanka uu ka soo jeedo 80% waxa cududiisa taageero haysta xisbiga waddani,  halka laga yaabo 20% in UCID,  RAJO iyo ururka uu Dr la yimaadaa qaybsan doonaan , markaa hadii aanu ururkaasi cudud kale ku tiirsanayn xiligani oo tartanka ururada siyaasadu sidii hore ka adag yahay ma soo bixi karo.

2- hadii uu soo baxo Urur siyaasadeed oo uu qayb ka yahay Dr Mohamed Abdi Gaboose waxa laga yaabaa in hadii madaxweynaha uu ordo oo waddani oo uu hogaaminayo cirro na uu joogo in uu guul dareysto waayo xisbiga waddani waxa uu waayey doorashadii hore oo ta soo socota waxa ka go’an in ay talada qaranka hantiyaan iyaga oo waliba guulo ka soo gaadhay doorashooyinkii hore 31-05-2021 , sinaba u suuragal maaha in urur iyo xisbi ay isku meel ka soo jeedaan ka guuleysan karo waddani.

Markaa hadii aanu Dr Mohamed Abdi Gaboose wadin cid kale oo aan beeshiisa aheyn oo ay wax wada dhistaan isla markaana ku tartamaysa madaxwayne waxa aan is leeyahay isaga fursadi uma banaana xiligani.

Si kastaba ha ahaatee waa xaq iyo xuquuq dastuuri ah oo uu leeyahay in uu isa soo taago iyo in aanu isa soo taagin labadaba,  laakiin waxa uu ka mid yahay raga waaweyn ee qarankani horena ugu soo halgamay in badana dib u dhiskiisii iyo nabadayntiisii ka qayb qaatay , waxa ay ila noqotay in aan idhaahdo Dr damacaaga siyaasiga ah marka 4aad la sug mar uu miidaanku kuu banaan yahay oo uu Madaxweyne kuu jaro.

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

More in focus

To Top