Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaalkii Ugu Horreeyay Oo Israa’iil Ah Oo Si Rasmi Loogu soo magacaabay Dal Carbeed

focus

Sarkaalkii Ugu Horreeyay Oo Israa’iil Ah Oo Si Rasmi Loogu soo magacaabay Dal Carbeed

Sarkaalkii Ugu Horreeyay Oo Israa’iil Ah Oo Si Rasmi Loogu soo magacaabay Dal Carbeed

(SLT-Baxrayn)-Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan millatariga Israa’iil si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taalla, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horreeyey ee Israa’iili ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.

Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israa’iili-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.

Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israa’iil iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed.

Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xidhiidh la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.

More in focus

To Top