Connect with us

somalilandtoday.com

Duqaymo Dhanka Cirka Ah Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada  Mekelle Ee Xarunta TPLF Iyo Khasaare Badan Oo Ka Dhashay

focus

(SLT-Maqalle)-Wararka ka imaanaya magaalada Maqale ee deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in duqaymo dhanka cirka ah oo ay ay fuliyeen ciidamada cirka ee Itoobiya ay ka dhaceen magaalada Maqale.

Duqayntan ayay ciidamada cirku u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare badan.

Duqayntan maanta ka dhacday magaalada Maqale ayaa kusoo hagaagtay iyadoo Afhayeenka TPLF Getachow Reda uu maanta sheegay in haddii xal kama dambays ah la helin ay qaadi doonaan hawlgallo adag.

Wali waxaan joogsan dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, iyadoo haatan uu dagaalku u badan yahay dhanka deegaanka Canfarta, oo ay ka barakaceen shacab aad u tiro badan, kuwaas oo ka cararaya dagaalada u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

More in focus

To Top