Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Wargeys Caan Ah Qoray In Ciidammada Soomaaliya Ee Ku Sugan Eritrea Ay Xasuuq Ka Geysteen Gobolka Tigrey

focus

(SLT-Muqdish)- Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dacwad u diray wargayska caanka ah ee (The Globe and Mail), kaas 20-kii bishii la soo dhaafay lagu daabacay warbixin ku saabsanayd in ciidanka Soomaaliya ee tababarka u jooga dalka Eritrea ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya, isla markaana ay xasuuq ba’an ka gaysteen gobolkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Wargayska the Globe and Mail, haddii aanu soo bandhigin xaqiiqda dhabta ah ee ay ku sulaysan tahay warbixinta ay dowladdu ku tilmaamtay in ay tahay been abuur.

“Warbixintiinnu waa mid si cad lagaga been abuurtay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan marna farogelin arrimo dalal kale. Ciiddankeenna geesiyaasha ah oo u taagan difaaca dalka iyo dadkayaga, marna ma aha kuwo ku xad gudba xuquuqda aadanaha, sida aad warbixintiinna been abuurka ah ku sheegteen,”ayaa lagu yidhi dacwadda xafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka xafiiska warfaafinta.

More in focus

To Top