Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Oo Gaadhay Itoobiya Iyo Ujeedka Safarkiisa

focus

Farmaajo Oo Gaadhay Itoobiya Iyo Ujeedka Safarkiisa

Farmaajo Oo Gaadhay Itoobiya Iyo Ujeedka Safarkiisa

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha muddo xilleedkiisu uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa lagaga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu waajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunto yarida iyo cudurka COVID-19.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku waajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay waajahayso Qaaradda Afrika.

Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn ugu sameeyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Axmed.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top