Connect with us

somalilandtoday.com

PUNTLAND Oo Dil Iyo Xabsi Ku Riday 6 Dhallinyaro Ah Oo Ka Tirsan Alshabaab

focus

PUNTLAND Oo Dil Iyo Xabsi Ku Riday 6 Dhallinyaro Ah Oo Ka Tirsan Alshabaab

PUNTLAND Oo Dil Iyo Xabsi Ku Riday 6 Dhallinyaro Ah Oo Ka Tirsan Alshabaab

(SLT-Garoowe)-Maxkamadda ciidammada ee maamul gobolleedka Puntland, ayaa saaka xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday dhalinyaro ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

dhalinyaradaas oo ka kooban lix xubnood ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xukuno xabsi ah. Ragaas waxaa loo heystaa inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay ragga kala ah:

1 – Farxaan Faysal Salaad

2 – Cabdullaahi Faysal Xuseen

3 – Barkhad Cawil Xirsi

4 – Liibaan Aaden Muuse

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayey Maxkamaddu ku xukuntay 30-sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

More in focus

To Top