Connect with us

somalilandtoday.com

Maxamuud Xaashi Iyo Maxamed Kaahin Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Hargeysa

focus

Maxamuud Xaashi Iyo Maxamed Kaahin Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Hargeysa

Maxamuud Xaashi Iyo Maxamed Kaahin Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Xalay waxaa magaalada Hargeysa ka dhacay ay yeeshay Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Kulankan ayay kaga wada hadleen Sidii ay iskaga calool xaadhan lahaayen xurguftii siyaasadeed ee u dhaxaysay labada siyaasi oo ku kala aragti duwanaa damaca Hooggaminta KULMIYE, sidoo kalena waxay ka wada xaajoodeen arrimaha Xisbiga KULMIYE oo la sheegay inay isfaham fiican ka gaadhen.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Amb. Bashe Cawil oo door wayn ka ciyaaray isku keenka labbada dhinac, Wasiirka xidhiidhka golayaasha Maxamed Xaaji Aadam, Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Macdanta Maxamuud Jaamac Cigaal iyo Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariin Xinif.

More in focus

To Top