Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

focus

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Dalka Jabuuti

(ALT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo socdaal ku tegay dalka Jabuuti ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Jabuuti.

Qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibedda ku baahisay barteeda Twitter ayaa lagu sheegay in Dr Ciise si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti,

“Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ciise Kayd, waxa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane. Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane. Xasan Cumar Maxamuud.”

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Cabdiqani oo qeyb ka ahaa wefdiga Somaliland ee booqashada ku tegay dalka Jabuuti ayaa sheegay in si balaadhan loogu soo dhoweeyey. “Waxaa maanta (Shalay) nagu qaabilay dhiggeena walaal Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Md. Xasan Cumar Maxamed.

Wasiir Cabdiqani ayaa fariintiisa sii raaciyey “Saaxiibtinimada ka dhaxaysa labadeena dal waa mid qoto dheer, qiyam wadaag ah, iskaashi istiraatiiji ah, gargaar bini’aadantinimo iyo xidhiidh dhaqameed.”

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo noqonaysa markii koowaad ee uu booqasho ku tago dalka Jabuti intii xilka loo magacaabay ayaa la saadaalinayaa in muddada uu joogo arrimo badan oo kaabaya xidhiidhka labada wadan lagu soo qaado.

Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Md. Cabdifataax ayaa qeyb ka ahaa masuuliyiintii wefdiga Dr Ciise ee socdaal shaqo ku tegay dalka Jabuuti ku soo dhoweeyey madaarka Jabuuti.

More in focus

To Top