Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Ka Mid Ahaa Millatariga Somaliland Oo Saaka Lagu Dilay Gobolka Awdal.

focus

Sarkaal Ka Mid Ahaa Millatariga Somaliland Oo Saaka Lagu Dilay Gobolka Awdal.

Sarkaal Ka Mid Ahaa Millatariga Somaliland Oo Saaka Lagu Dilay Gobolka Awdal.

(SLT-Boorama)-Alle ha u naxariistee Gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar, oo ka mid ahaa Hoggaanka Millateriga Somaliland ayaa saaka lagu dilay deegaanka Goroyo Cawl oo u dhow Boorama.

Askari ka tirsan Ciidamada uu xukumayay ayaa la sheegay in uu dilka gaystay.

Dalmar, ayaa ka mid ahaa Dhallinyarada Somaliland ee dalka Ethiopia tababarka ku soo qaatay sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.

Askariga dilka gaystay ayaa wararku sheegayaan in markiiba la qabtay.

More in focus

To Top