Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wakiilka Cusub Ee Ingiriisku Usoo Magacaabay Somaliland

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wakiilka Cusub Ee Ingiriisku Usoo Magacaabay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wakiilka Cusub Ee Ingiriisku Usoo Magacaabay Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wakiilka cusub ee Dalka Ingiriisku dhawaan u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska Uk uu ku leeyahay  Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan oo ujeedkiisu daarranaa soo dhawayn uu madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka cusub ayaa madaxweynuhu xog buuxda ka siiyey horumarka iyo himilada qaranka Somaliland uu gaadhay, waxaanu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland la wadaagaan Beesha Caalamka kagana doodaan xarunta baarlamaanka dalkaasi, taas oo uu madaxweynuhu xusay inay shacbiga Somaliland-na kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dhinaceeda, Wakiilku waxa ay xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo Dimuquraaddiyadeed ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga  Somaliland ka socda.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

More in focus

To Top