Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo Warqad Qoraal U Diray Madaxweyne Biixi

focus

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo Warqad Qoraal U Diray Madaxweyne Biixi

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Oo Warqad Qoraal U Diray Madaxweyne Biixi

Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin mawqifkooda Doorshooyinka madaxtooyadda, Golaha Guurtida, Furis Ururada Siyaasadda, sida oo kale warqada waxa ay ku socodsiiyeen Beesha Caalamka.

Waxaana ka mid ah Qodobada ku jiray.

1. Waxa ay xisbiayadda mucaaradku ayideen go’aankii bishanka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland kaas oo waafaqsanaa xeer no 14 2011.

2. Xisbiyada mucaaradku waxay sheegeen in doorashada sannadka 2022 ay mihiimad gaar ah leedahay. Waxaanay ku sababayeen in aanay jirin wax sharci ah oo ku gadaaman Doorashada…waa in doorashada Madaxtooyaddu ka soo horraysaa Furista ururrada. Komashinka doorashooyinka waxa ay diraariyeen Nadaamkii lagu gali lahaa Dorashooyinka Madaxtooyadda.

3. Xisbiyadu waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan doorashada Madaxtooyada iyo waliba ta ururada Furistooda marka la gaadho wakhtigooda

4. Golaha Guurtida laba dooran ilaa iyo 1997 kii ilaa hadana lama samayn xeerkii lagu dooran lahaa Golaha Guurtida.

 Xisbiyada ayaa madaxwaynaha faray in la diyaariyo xeerarkii lagu dooran lahaa golaha guurtida Somaliland waxayna sheegeen in ay dhankooda diyaar yihiin in ay ka qayb qataan Xeerarka lagu dooranayo Golaha Guurtida…

W/Q:- Abdisamed Giire

More in focus

To Top