Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Safar Ku Tagay Magaalada Jig-jiga Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

focus

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Safar Ku Tagay Magaalada Jig-jiga Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Safar Ku Tagay Magaalada Jig-jiga Iyo Ujeedka Socdaalkiisa

(SLT-Jigjiga)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo gaadhay magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad degaanka Soomaali galbeed, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga iyo xubnaha ku weheliyay  socdaalkiisa.

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Soomaali galbeed oo uu qayb ka ahaa madaxweynaha Dowlad degaanka iyo Salaadiin iyo qayabaha kala duwan ee bulshada deegaanka ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta Abiy Ahmed.

Socdaalka Abiy Ahmed uu ku yimid Jig-Jiga ayaa la sheegay in uu la xadhiidho abaaraha ba’an ee ka jira deegaanka iyo waxaana wararku sheegayaan in si gaar ah uu ugu kuur gali doono xaaladaha ka jira Degaanka, sidoo kalena si deg deg ah looga jawaabi doono dhibaatooyinka cunta yarida iyo biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka.

Soodhaweyn ka dib Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Mustafe Cagjar, iyadoo kulanka ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad degaanka.

Dalka Itoobiya ayaa waajahaya qalalaase iyo dagaallo ay kula jiraan TPLF oo ah awood xooggan oo dowladda kasoo hor jeedda, waxaana degaanka Soomaalidu ay hore u shaaciyeen in garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Itoobiya ee hoggaanka u hayo Abiy Ahmed, waxaana jira Ciidamo u dhashay Soomaali galbeed oo qayb ka ah dagaalka Itoobiya ay kula jirto Tigreega.

More in focus

To Top