Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Maraykanka Oo Heegan La Geliyay Xilli Laga Cabsi Qabo Duulaanka Ruushka

focus

Ciidammada Maraykanka Oo Heegan La Geliyay Xilli Laga Cabsi Qabo Duulaanka Ruushka

Ciidammada Maraykanka Oo Heegan La Geliyay Xilli Laga Cabsi Qabo Duulaanka Ruushka

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay inay jirto “isku-duubni guud” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidammada Ruushku ka dhisayo xadka Ukraine xilli Mareykanka uu ku dhawaad 8,500 oo ciidamadiisa ah u diyaariyay dagaal iyaga oo la geliyay heegan sare, xilli ay meel adag marayso xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo millateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duullaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.

Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.

Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go’aan laga gaadhin in ciidammadaas loo diro Yurub.

More in focus

To Top