Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Dhacdo Shalay Ka Dhacday Hargeysa

focus

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Dhacdo Shalay Ka Dhacday Hargeysa

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Dhacdo Shalay Ka Dhacday Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka jawaabay dhacdo shalay ka dhacday beerta xorriyadda oo ay ka socotay dibad-bax lagu taageerayay doodii baarlamaanka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland.

Xoghaye Khadar ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan:

“Ninkii aan is yeelyeelahayni wuu ogyahay in xil Barkhad Batuun uu Somaliland wanaag iyo horumar la doonaayo. Mudahraadka taageerada xildhibaanada ingriiska isagaa ka soo bilaabay gurigii uu ku dhashay iyo xaafada Daami. Saleban Ali Koore marka uu robo inuu aamusiiyo ma waxaanu fahmin ninkan aan u mahadnaqayno ee Ingriis wuxuu inagu amaanay doorashooyinka iyo xoriyada hadalka miyaanay is diido ahayn marka isla goobtii Koore uu Xildhbaan ka ugu codka badan golaha wakiilada uu rabo inuu aamusiiyo.

Waxaan leeyahay Saleebaan hadaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof oo u mahadnaqa nimankaa ingriis ee inoo hiiliyay Buuhoodle ka dhex hadashii hadii kale Xildhban Barkhad ha la murmin.”

More in focus

To Top