Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland

focus

Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland

Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland

(SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, ka dib markii dhawaan baarlamaanka UK ay dood ka yeesheen arrintan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqanto sidii qayb ka mid ah federaalka Soomaaliya.

Raychelle Omamo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in Somaliland ayna Kenya usoo gudbin codsi ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan.

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkii hore dood dheer ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Bishii December ee sannadkii 2020 ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wada hadleen danaha ay wadaagaan labada dal.

More in focus

To Top