Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaan Reer Somailand Ah Oo Xalay Lagala Baxay Gurigiisa Ku Yaalla Muqdisho

focus

Suldaan Reer Somailand Ah Oo Xalay Lagala Baxay Gurigiisa Ku Yaalla Muqdisho

Suldaan Reer Somailand Ah Oo Xalay Lagala Baxay Gurigiisa Ku Yaalla Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Nin sheegta Wakiilka Suldaanka Beesha Makaahiil Samaroom Suldaan Cabdulqaair ayaa xalay lagala baxay gurigiisa, waxaana lagu xidhay Xarunta dambibaarista CID ee KM4.

Suldaanka lagala baxay gurigiisa ayaa waxaa dhowr jeer u yeedhay xeer ilaalinta Qaranka, wuxuuna diiday inuu tago, waxayna xogaha aan helnay sheegayaan in laga gudbiyey dacwad.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay baahiyeen warbaahinta magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday soo xigatay ayaa tibaaxaya in Suldaanka loo xidhay arrimo la xidhiidha kuraasta beeshiisha, gaar ahaan kursiga 226 oo ay ku fadhido Xildhibaan Maryan Maxamuud.

Xadhigan waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf oo doonayay kursiga tirsigiisu yahay 226 in loo xidho musharax ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Yoonis Bashiir Muuse.

More in focus

To Top