Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Itoobiya Iyo Tigrayga Oo U Dhaw Inay Heshiiyaan

focus

Dawladda Itoobiya Iyo Tigrayga Oo U Dhaw Inay Heshiiyaan

Dawladda Itoobiya Iyo Tigrayga Oo U Dhaw Inay Heshiiyaan

(SLT-Addis Ababa)-Qaramada Midoobay waxay rejo wanaagsan ka muujisay xal laga gaadho colaadda ka aloosan gudaha waddanka Itoobiya, iyadoo dedaalada dhexdhexaadintu ay mar kale meel wanaagsan marayaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arintan ka hadlay isagoo iftiimiyay deedaalada imika socda.

Antonio Futeres wuxuu tibaaxay in ay soo gaadheen warar lagu farxo oo muujinaya iskusoo dhawaansho labada dhinac ka yimi, iyadoo Midawga Afrika uu door laxaad leh ka qaatay hawlaha imika socda ee nabadaynta.

Dhinacyada Itoobiya ayaa u muuqda kuwo ka daalay dagaalka oo sanad wax ka badan ay soo wadeen, iyagoo imika u idyaar ah nabad.

More in focus

To Top