Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka UK Ee ka Dooday Qadiyadda Somaliland

focus

Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka UK Ee ka Dooday Qadiyadda Somaliland

Madaxweyne Biixi Oo Bogaadiyay Xildhibaanada Baarlamaanka UK Ee ka Dooday Qadiyadda Somaliland

Xisbiyadda ku jira baarlamaanka Ingiriiska oo wadajir u taageeray qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland markii koowaad

(SLT-London)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa ballanqaaday in Somaliland heli doono saaxiibo joogjoob ka noqda wada xaajoodkooda Soomaaliya oo Ingiriiska iyo Midowga Afrika ka mid yihiin, isla markaana ballanqaaday inay taageero ka geysan doonto xaalada abaareed, inakstoo ay ku celisay mowqifkeeda in qadiyadda aqoonsiga Somaliland go’aan ka gaadhaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa baaq dheer ugu jeediyey xukuumada Ingiriiska mowqifkeeda la xidhiidha ictiraafka Somaliland, mar uu ka hadlayey fadhi baarlamaanka Ingiriiska uu lahaa shalay yeeshay  ka jeediyey dood uu ku taageerayo ictiraafka Somaliland ayaa bogaadiyey, isla markaana Gudoomiye-xigeenka Baarlamaanka Ingiriiska oo gudoominaysay kulanka u sheegay sida xisbiyada mucaaradka iyo muxaafidka u taageersan yihiin qadiyadan muhiimada leh.

Xildhibaan Williamson, oo ka tirsan xisbiga muxaafadka xukuma dalka Ingiriiska uu soo hordhigay baarlamaanka, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Gudoomiye Madam, waxaan jecelahay inaan golaha la wadaago in Somaliland madaxbanaanideeda ka qaadatay Boqortooyadda Britain madaxbanaanideeda, ka mid sannado ay ahaayeen Maxmiyad.

Waxuu sheegay inay shan maalmood ahaayeen dal madaxbanaan, intaanay si mutadawacinno ah ula midoobin koonfurta Soomaaliya, si ay Jamhuuriyadda Soomaaliya u sameeyaan.

Xildhibaan Williamson ayaa sheegay in midnimada Somaliland & Soomaaliya oo la doonayey inay si simman wax u qeybsadaan, nasiibdarro ay dhacday shacabka Somaliland 30 sannadood la kulmeen gaadhsiiyey in lagu xasuuqo awoodii ciidamada Soomaaliya, ay ku dhinteen kumanaan shacabkii Somaliland ah, wax aka dhacday oo taariikhda gashay in “Diyaaradii ka duushay madaarka ay duqeyso isla magaaladii madaarku ku yaalay”

Dooda baarlamaanka oo xildhibaano kala duwan ka qeybqaateen ayaa xildhibaan Rushanara Cali oo ka hadashay soo jeedisay, “hadii Somaliland ku guulasatay inay dhisato dawlad hanaanka dimoqraadiga loo soo doorto, muddo soddon sannadood doorashooyin kala duwan ay shacabku ku dooranayeen madaxdooda, miyaanay mudnayn in xukuumada Ingiriisku aqoonsato madaxbanaanida Somaliland.

Xildhibaan Gavin oo dooda hogaaminayey, isla markaana ka sii jawaabayey su’aalaha iyo xildhibaanada kale ka soo jeediyaan mowduuca ayaa yidhi, “Runtii, xildhibaanadu Rushanara, qodob muhiim ah ayey sheegtay, waana sababta shacabka Somaliland ka dib burburkii loo geystay dalkooda iyo dadkooda ay dib u dhisteen nidaam dawladeed dhamaystiran, iyagoon wax taageero ah ka helin caalamka, halka Soomaaliya oo dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan Ingiriiska helaysay, ilaa wakhtigan ku guuldaraysatay inay ku heshiiyaan doorashooyinka.

Xildhibaan Stephan Doughty oo ka tirsan xisbiga mucaaradka (Shaqaalaha) isla markaana ka mid ah xildhibaanada Saaxiibada Somaliland ee taageera qadiyadda madaxbanaanida Somaliland ayaa sheega mar uu ka hadlayey dooda, “Xildhibaan Doughty oo ka hadlayey taageeradiisa dooda ictiraafka Somaliland ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo Xildhibaankii ka horeeyey ee Alan Michael oo caalamka gaadhsiiyey xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland sannadahii sideetamaadkii.

Xildhibaan Tom Tugendhat, oo ah Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska, isla markaana ka tirsan xisbiga muxaafidka Ingiriiska oo ka hadlay dooda ayaa yidhi, “Somaliland oo wakhtigii dagaaladii aduunka joogay Ingiriiska, isla markaana ka dhisay masaajidadii u horeeyey, miyaanay muhiim ahayn u ahayn in taageerida ictiraafkoodu tahay mid Ingiriisku ku taageerayo xidhiidhkii hore ay Somaliland wadaagi jireen iyo qorshaha Ingiriiska ee taageerida Afrika cusub iyo wadamadda dhsita nidaam dawladeed dimoqraadi ah, oo xaqdhowra xuquuqaha caalamku aqoonsan yahay.

Xildhibaan Williamson oo ka jawaabayey dooda iyo fikirka Xildhibaan Tugendhat, gudoomiyaha guddiga Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska ayaa sheegay in fikirka ictiraafka Somaliland aanu keliya waxtar u lahayn shacabka Somaliland balse ganacsatada Ingiriisku helayaan fursad ay ku maalgashadaan kheyraadka dalka Somaliland kana helaan shaqooyin, taasoo u furi doonta albaabka qaaradda Afrika.”

Xildhibaan hore u ahaa wasiirka iskaashiga caalamiga oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu hore booqasho ugu tegay Somaliland, isla markaana waxyaabahii ay ku soo arkeen ka mid ahayd xasiloonida buuxda ee ka jirta dalka, iyo hanaanka dimoqraadiyadda gaamurtay ee doorashooyinka kala duwan ee ku qabsoomay, waxuu sheegay inuu bas ka soo raacay madaarka Ingiriiska, taasoo tilmaamaysa nabadgelyada ka jirta Somaliland, ayaa sheegay inkastoo xukuumada Ingiriisku hore u sheegtay inaanay bilaabay aqoonsiga Somaliland, ma suurtoobaysaa inay ka codsadaan Midowga Afrika kaalin muuqata inay ka qaataan.

Xildhibaan kale oo ka hadlayey taageeradiisa qadiyadda ictiraafka Somaliland ayaa sheegay inay muhiim tahay ogaanshaha meelaha wadamadda Reer Galbeedku taageeri waayaan in dalka Shiinahu buuxinayo kaalintaa. Markaa waa muhiim in dalka Ingiriiska iyo wadamadda reer Galbeedku qaadan lahaayeen kaalinta hogaaminta, intii ay daba socon lahaayeen cid kale.

Xildhibaan Williamson oo ka jawaabayey fikirka xildhibaanka ayaa sheegay inuu ku raacsan yahay fikirka, maadama hadaad eegtid dalka Jabuuti oo jaar la ah Somaliland dalka Shiinaha ayaa maalgelin balaadhan ku sameeyey, taasoo muujinaysa meeshii uu firaaqo ka helo Shiinahu uu buuxinayo. Markaa hadii Ingiriisku aqoonsado Somaliland waxuu muujinayaa kaalintiisa hogaaminta, taasoo shacabka Somaliland iyo wadamadda kale ogaan doonaan mowqifkeena taageerida Somaliland.

Xildhibaan kale oo sheegayey fikirkiisa inuu taageersan yahay qadiyadda ictiraafka Somaliland ayaa sheegay inay ku taalo marinka maraakiibta ganacsiga caalamka, taasoo muhiim u ah dhaqaalaheena, isla markaana yihiin dal ku guulaystay inay biyaha baddahooda ka ilaaliyaan budhcad-badeedka.

Doodan oo xildhibaano gaadhayey 30 ka kooban dhamaan xisbiyada dalka Ingiriiska ee xubnaha ka ah Baarlamaanka ayaa gunaandkii Xildhibaan Gavin Williamson oo dooda soo xidhay u soo jeediyey Xildhaan Mudane XX oo ahaa Wasiirka Waxbarashada, isla markaana ka jawaabayey su’aalahii loo soo jeediyey xukuumada inuu muujiyo awooda masuuliyadiisa isla markaana kaga jawaabo su’aalaha xildhibaanada kala duwan sida ugu haboon iyo in xukuumada Ingiriisku yeelato kartida ay horsed ugu noqoto caalamka aqoonsiga Somaliland, halkii dal kale daba-socod ugu noqon lahayd kaga hormaray guusha koowaad ee aqoonsiga Somaliland, isla markaana tusnaa shacabka Somaliland inaan diyaar u nahay difaacida dantooda, sidii ay hore ugu difaaceen sharafta Ingiriiska, isagoo raaciyey, “Xitaa hadaanu innala wadaagi Karin ballanqaadka xukuumada Ingiriiska iyo inay diyaar u tahay aqoonsiga Somaliland, waa inuu innala wadaago talaabada xigta ee qadiyaddan aynu ku sii waddi karno, maadama aynaan sugi Karin soddon sannadood oo dambe innagoo iska dhigayna dal garabtaagan Somaliland.

Xukuumada ingiriiska oo jawaab ka bixinaysay su’aalahii xildhibaanada xisbiyada dalka UK ka tirsan uga soo jeediyeen doodii aqoonsiga Somaliland ayaa Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan Ingiriiska Mr Chris Heaton-Harris hadalkiisa ku bilaabay inay taageersan yihiin in doorashada Madaxtooyadda iyo golaha Guurtidu ku qabsoomaan wakhtigii loogu tallogalay. Waxuu amaanay kaalinta xukuumada Somaliland ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera oo xukuumada Ingiriisku qeyb ka tahay maalgelinteeda si ay u taageerto guud ahaan geeska Afrika.

Waxuu sheegay inay la socdaan xaalada abaareer eek a jirta gobolka geeska Afrika iyo Somaliland oo dhibaato ku haysa dadka gaadhaya 8 boqol oo kun oo deegaanada miyiga ku nool iyo xoolahooda, waxaanay xukuumada ingiriisku wadaa hanaankii looga jawaabi lahaa baahiyaadka annagoo la kaashanayna saaxiibada caalamka wax-ka-qabashada abaaraha, kuna yaboohi doona dhaqaale dheeraad ah.

Waxuu sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska oo muhiim ah mowduuca u weyn ee shacabka Somaliland indhaha ku hayaan yahay aqoonsiga Somaliland, hadaan mowqifka xukuumada ka hadlo ee mowduuca aqoonsiga annagoo la socona dareenka shacabka gudaha iyo dibedaha iyo taageerada xildhibaanada xisbiyadda kala duwan ee dooda ka qeybgelaya, waxaan jeclahay inaan u sheego inaan mowqifkii hore u jiray ee Ingiriisku isbedelin, isla markaana aaminsan nahay in arrinka ictiraafku yahay qadiyad ay ka wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, ka dibna wadamadda qaaradda Afrika taageeraan go’aanka ka soo baxa.

Xildhibaanad Rushanara oo su’aal ka weydiisay jawaabta Wasiirka Xukuumada Ingiriisku ka bixiyey inaan Ingiriisku bilaabi doonin aqoonsiga Somaliland ayaa tidhi, “Anigoo daba socda jawaabta wasiirku ku sheegay inaan Ingiriisku bilaabi doonin aqoonsiga Somaliland, haduu hore dalka aan ka soo jeedo ee Bangaladesh Ingiriisku u bilaabay aqoonsigiisa, kumana xidhin Pakistan oo ay ka go’ayeen? Maxaa diidaya Somaliland ?

Ayuu Chris Heaton-Harris ku jawaabay waxaan ku celinayaa in mowqifka Ingiriisku yahay sidii hore.

Xildhibaan Stephan Doughty oo weydiiyey markaad leedahay labada dhinac arrinka aqoonsiga iyo xidhiidhka mustaqbalkood ahaka wada hadlaan, isla markaana aynu ognahay inaan maamul dhisan ka jirin Soomaaliya oo weli doorashooyinkoodii isku haystaan, waa ayo hogaamiyeyaasha Soomaaliya ee Somaliland kala xaajoonayso aqoonsiga Somaliland? Ayuu Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan Ingiriiska Mr. Chris Heaton-Harris oo ka jawaabay sheegay in xukuumadda Ingiriisku sii wadi doonto wada shaqeynta dhow ee ay la wadaagto xukuumada iyo shacabka Somaliland, isla markaana sii kordhin doonaan taageerada ay ka geystaan dhismaha hay’adaha amaanka iyo wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee ka taagan. Waxuu cadeeyey in Somaliland heli doonto dariiq iyo saaxiibo qeyb ka noqda wada xaajoodkooda Soomaaliya, hadday tahay xukuumada Ingiriiska oo xilligan-ba ku jirta iyo Midowga Afrika.

Dooda xildhibaanada baarlamaanka Ingiriisku sida weyn ugu taageereen qadiyadda aqoonsiga Somaliland ayaa la saadaalinayaa inay mudooyinka dhow ku soo noqoto golaha baarlamaanka Ingiriiska, siduu ka caddeeyey xildhibaan Gavin Williamson fadhigii shalay ee baarlamaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyay xildhibaanada Baarlamaanka UK, gaar ahaan xildhibaanadii golaha horgeeyay mooshinka dooda qadiyadda ictiraafka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu baaq u diray dawladda Ingiriiska iyo baarlamaanka dalkaasi, isaga oo u soo jeediyay I n ay dhagaystaan baaqa shacbiga Somaliland, qoraalka madaxweynaha Somaliland-na waxa uu u dhignaa sidan “Mudane Gavin Williamson waad ku mahadsan tahay gole-geynta qadiyadda Somaliland, dooda iyo daadihinteeda adiga xildhibaanada kaleba. Waxaan rajaynayaa in dawladda iyo xildhibaanada kaleba kaa dhagaystaan.”

More in focus

To Top