Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay U Dhalatay British Oo Ka Tirsanayd Al-shabaab Oo Ka Carartay Soomaaliya Kadib Markii Uu Furay Sheekh Xasan Oo Ahaa Hoggaamiye Katirsan Kooxdaasi

focus

(SLT-Muqdisho)-Samantha Lewthwaite, oo haweeney u dhalatay dalka Britain oo ka tirsan kooxda Alshabaab oo loo maleynayo in ay mas’uul ka tahay dhimashada boqolaal qof ayaa u qaxday dalka Yemen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii ay toddobo sanno oo ay la joogtay ninkeedii afraad oo ahaa hoggaamiye katirsan kooxda Alshabaab oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Xasan, ay kala tageen ka hor inta ayna u qixin Yemen, sidaas waxaa qortay jariirada The Mirror.

Samantha Lewthwaite, ayaa ka mid ah haweenka loogu doonista badan yahay adduunka. Waxayna kamid tahay dadkii fuliyay weerarkii  argigixiso ee toddobadii july-2005, ka dhacay waddadada tareenka London, oo ay ku dhinteen 56 qof.

Naanaysta ay ku dhex leedahay hay’adaha sirdoonka ayaa ah ‘Carmalada Cad’, waxaana lala xidhiidhinayaa weeraro argagaxiso oo ka dhacay Afrika oo sababay dhimashada in ka badan 400 oo qof.

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray warqad lagu soo xidhayo haweeneydaasi kadib markii lala xdhiidhiyay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee dalka Kenya sannadkii 2013-kii, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof oo British ah iyo 66 qof oo kale, laguna dhaawacay ku dhawaad 200 oo kale.

Laamaha ammaanka ayaa rumeysan in falalka kale ee ay geysatay ay ka mid yihiin 148 qof oo rag hubeysan ay ku dileen Jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015-kii.

More in focus

To Top