Connect with us

somalilandtoday.com

Jawhar Maxamed Iyo Baqale Gerba Oo Sheegay In Ayna Ka Tanaasulayn Xaq U Raadinta Qowmiyadda Oromoda

focus

Jawhar Maxamed Iyo Baqale Gerba Oo Sheegay In Ayna Ka Tanaasulayn Xaq U Raadinta Qowmiyadda Oromoda

Jawhar Maxamed Iyo Baqale Gerba Oo Sheegay In Ayna Ka Tanaasulayn Xaq U Raadinta Qowmiyadda Oromoda

(SLT-Addis Ababa)- Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo kamid ah xisbiga OFC ee Oromo ee dhawaan xabsiga laga siidaayay, oo shir jaraa’id qabtay ayaa dowladda Itoobiya ka codsaday, in xal nabadeed laga gaadho colaadda Itoobiya, isla markaana dowladda iyo TPLF miiska wada hadalka isugu yimaaddaan.

Xubnahan ayaa sidoo kale dowladda dhexe ka codsaday, in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay dilkii fanaankii Oromo ee Hachalu Hundessa, oo ilaa hadda dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromo, ayna ku qanacsanayn baadhitaannadii ay dowladdu samaysay ee ku saabsanaa dilkii fanaanka  Hachalu Hundessa.

Waxa kale oo ay sheegeen in ayna marnaba ka tanaasulayn, xaqa iyo u doodidda xuquuqda qowmiyadda Oromoda, taas oo in badan ay dhibaato usoo mareen, markii dambena xadhig u galeen.

Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo labaduba ku jiray dad ay dowladdu maalmo ka hor xabsiga ka siidaysay, ayaa waxay inta badan u doodaan xuquuqda qowmiyadda Oromoda ee ay kasoo jeedaan iyagu, iyagoo siyaasadda dalka Itoobiyana meel adag kaga jira.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top