Connect with us

somalilandtoday.com

“Dekeddi Berbera Shaqo Kama Socoto 9 Maalmood, Ganacsatada Iyo Dadka Wax Kala Soo Degaa Waxay Diideen Culayska Khidmadaha DP World…” Xisbiga WADDANI

focus

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in muddo 9 maalmood ah aanay wax shaqi ahi ka socon dekedda magaalada Berbera ka dib markii ay shirkadda maamusha dekedda DP world kordhisay khidmadaha ay ka qaadi jirtay ganacsada wax kala soo dega dekedda.

Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Md Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa yidhi sida tan:

“Dekeddi Berbera shaqo kama socoto 9 maalmood, ganacsatada iyo dadka wax kala soo degaa waxay diideen culayska khidmadaha DPW ay  bedeshay ee aan la qaadi karin, gelidda Dekedda waxa laga dhigay 2$ (daily access card) muddadaa dekeddu ay xannibantahay xukuumaddu wax tallaabo ah may qaadin waxaan kaga luntay cashuur. DPW in ay miirto dhiiga shacabka maaha, xukuumadduna in aanay tallaabo qaadin waa ka damqasho la’aan”

More in focus

To Top