Connect with us

somalilandtoday.com

Warsidaha Globe And Mail Oo Shaaciyey Dalab Ay Somaliland Aqoonsi Kaga Dalbatay Dawladda Canada

focus

Warsidaha Globe And Mail Oo Shaaciyey Dalab Ay Somaliland Aqoonsi Kaga Dalbatay Dawladda Canada

Warsidaha Globe And Mail Oo Shaaciyey Dalab Ay Somaliland Aqoonsi Kaga Dalbatay Dawladda Canada

(SLT-Ottawa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dawladda Canada ka codsatay aqoonsi caalamiya, waxaanay ku boorisay dalalka reer galbeedka inay taageeraan muhiimada dimuqraadiyada taabogalka ah ee ka jirta Somaliland oo la tacaalaysa saameynta dalka Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.

Sidaasna waxa daabacay Salaasadii Warsidaha Globe and Mail, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu socdaalo ku tagay dhawaan magaalooyinka Washigton, London iyo Ottawa, kaas oo lagu xoojinayey cilaaqaadka Somaliland la leedahay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Canada.

Warsiduhu waxa kaloo uu xusay in wefti ka socda hawlwadeenno sare oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanku ay booqasho ku tageen Jamhuuriyadda Somaliland.

Globe and Mail wuxuu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo haysta dhalashada Maraynka iyo Canada uu la kulmay bishii December Waaxda Arrimaha caalamiga ah u qaabilsan dawladda Canada, waxaanu u soo jeediyey inay kaalmada toos u siiyaan Somaliland, intii ay u soo marin lahaayeen Soomaaliya. Waxa kaloo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ka dalbaday Xukuumadda Canada inay aqoonsato madax-bannaanida JSL.

Wasiirku wuxuu ku dooday in deeqaha caalamku ay 98 Boqolkiiba tagaan Soomaliya, isla markaana ay Somaliland soo gaadhaan wax u dhigma Boqolkiiba Laba.

Wasiir Ciise Keyd waxa uu u soo jeediyey Canada inay isbarbar-dhigto farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland caalamka tustay 30kii sannadood ee la soo dhaafay inay hanatay dalkeeda isla markaana leedahay millatarigeedii iyo noocyadii kale ee ciidammada.

Sidoo kale waxa warsidaha Globe and Mail sheegay in Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunku ay doorashooyinkii Somaliland ka qabsoomay ku sifaysay inay ahayd guul weyn oo ay ka gaadhay jidka dimuqraadiyadda.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray inay Somaliland ku hareeraysan yihiin duruufaha Shiinuhu ku doonayo inuu saameyn weyn ku yeesho mandaqada Geeska Afrika, waxaanu Globe and Mail xusay in Somaliland ay la dhinac tahay dalalka reer galbeedka.

More in focus

To Top