Connect with us

somalilandtoday.com

Wariye Lagu Xidhay Magaalada Hargaysa

focus

Wariye Lagu Xidhay Magaalada Hargaysa

Wariye Lagu Xidhay Magaalada Hargaysa

(SLT-Hargeysa)- Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germany), Oo Kamid Ah Wariyayaasha Ka Hawl’gala Magaalada Hargeysa, Ayaa La Sheegay In Ciidanka Booliisku Ay Gurigooda Kala Baxeen.

Wariyaha Ayaa La Laayahay Meel Lagu Xidhay, Waxaana La Sheegayaa In Qoyskoodu Ay Ka Baadi Goobayaan Saldhigyada Booliiska Ee Hargeysa, Sida Uu Xildhibaan Maxamed Abiib Sheegay, Isagoo Sharci Darro Ku Tilmaamay In Eedaysanaha Meel Qarsoon Lagu Xidho.

“Waa Sharci Darro In Maalin Walba Layidhaa Qofbaa La Waayay Meesha Lagu Xidhay, Waa Waajib Saaraan Hay’adaha Ammaanka Inay Ehelka Iyo Asxaabta U Sheegaan Halka Lagu Xidhay Iyo Sababta Loo Xidhay Wariye Cabdisalaan Germany, Xubno Ka Mid Ah Qoyskiisa Ayaa Ilaa Maanta Baadi-Doon Ugu Jiray Goobta Lagu Xidhay “Ayuu Yidhi Xil: Abiib.

Wariyaha  Ayaa Hore Si Weyn Uga Soo Horjeestay Xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, Isagoo Bogiisa Facebook Kusoo Gudbin Jiray Qoraalo Uu Ku Difaacayo Coldoon.

More in focus

To Top