Connect with us

somalilandtoday.com

Soo Dhawaynta Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Burco

focus

Soo Dhawaynta Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Burco

Soo Dhawaynta Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Burco

Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn looga dareemayaa soo dhawaynta waftiga xisbiga WADDANI oo maalinta berri ah ku wajahan halkaasi.

Waftigan oo ay hogaaminayaan Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa berri khamiista ka hillaaci doona magaalada Burco, waxaana la filayaa inay kulamo balaadhan la yeeshaan dadka deegaanka iyo madax dhaqameedka gobolka.

Geesta kalena xukuumadda ayaa sas weyn ka qaaday booqashadan oo wakhti xasaasi ah ku soo beegantay, waxaana ay wararku sheegayaan in xukuumaddu iyaduna dhankeeda ku hawlan tahay abaabullo ay hoos ugu dhigayso miisaanka booqashada iyo soo dhawaynta waftiga.

Ugu dambayn maanta ayuunbay ahayd markii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan looga yeedhay xarunta CID-da, iyadoo wax laga waydiiyey shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay iyo dhaliilo u uku hurgufay xukuumadda.

Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top