Connect with us

somalilandtoday.com

Koox Mucaarad Ah Oo Qabsatay Markab Millatari Oo Ay Leedahay Dawladda Imaaraadka Carabtu

focus

Koox Mucaarad Ah Oo Qabsatay Markab Millatari Oo Ay Leedahay Dawladda Imaaraadka Carabtu

Koox Mucaarad Ah Oo Qabsatay Markab Millatari Oo Ay Leedahay Dawladda Imaaraadka Carabtu

(SLT-Dubai)-Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay qabsadeen markab millatari oo ay leeyihiin Imaaraadka Carabta, kaasi oo Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ay sheegeen inuu siday sahay caafimaad.

Xuutiyiinta ayaa sii daayey sawirro ay sheegeen inay muujinayaan markabka iyo agab saaran oo ay ka mid yihiin baabuur millatari iyo hub tiro badan.

Markaba, oo lagu magacaabo Rwabee, ayaa sida ay sheegeen lagu Badda Cas ee Yemen.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa tallaabadan ku qeexay budhcad badeednimo, waxayna ku hanjabeen inay xoog dib ugu soo qabsan doonaan.

“Markaba Rwabee wuxuu kasoo laabtay Jasiiradda Soqadra, oo uu u tegay howlgal lagu dhisayo cisbitaal, wuxuuna ku socday magaalada Jizan ee Sacuudi Carabiya,” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxaya Xulufada.

“Maleeshiyada waa inay deg deg usii daayaan markabka, ama Xulufada waxay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay ula tacaalaan xadgudubkan, oo ay ku jirto adeegsiga awood,” waxaa sidaas yidhi afhayeenka xulufada, Turki al-Malki.

Hase yeeshee, Xuutiyiinta ayaa ka digay inuu jiri doono cawaaqib xooggaan, haddii la beegsado markabka.

Dhacdadan ayaa timid ayada oo toddobaadyadii tegay uu aad u xoogeystay dagaalka Yemen, halkaas oo Sacuudiga ay si xooggan u duqeynayaan dhulka ay haystaan Xuutiyiinta, halka mucaaradkan ku xidhan Iran ay ayagana sare u qaadeen weerarada loo adeegsado diyaaradaha Drone-ka ee ay ka fulinayaan boqortooyada.

Imaaraadka Carabya ayaan weli ka hadal markabka laga qabsaday.

Sarkaal Mareykan ah oo ku sugan gobolka ayaa sheegay in markabkan uu yahay kii ugu horreeyey ee ay qabsadaan Xuutiyiinta tan iyo daba-yaaqadii 2019.

More in focus

To Top